Madhibaan
Thiinada guud ee dadka | ||||||
---|---|---|---|---|---|---|
20,000 (1960 qiyaas) | ||||||
Meelaha ay ku badan yihiin | ||||||
| ||||||
Luqada | ||||||
Diinta | ||||||
Dadka ay dhalyo wadagaan | ||||||
Madhibaan (Af Ingiriis : Madhiban) ,[1] waa beel ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ee ka tirsan dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya iyo Itoobiya.[2]
Hordhac
Beesha Madhibaan waxay ka tirsan tahay beelaha laga tirada badan yahay ee laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[3] Intaas waxaa dheer, beeshani waxay si rasmi ah u degaan dhamaan magaalooyinka Somaliland. Sidoo kale, magaalada Jigjiga iyo Diridhabe waxaa ku dhaqan tiro badan oo Madhibaan ah.
Magaca beeshu wuxuu ka yimid ereyga Madhibe (qof aan dhib lahayn[4]), markii dambe loo bedelay Madhibaan.
Taariikh
Tirokoob la sameeyay 1960kii waxaa lagu sheegay in beesha Madhibaan ahayd 20,000 qof, kuwaasi oo intooda ugu badan ku noolaayeen Waqooyiga Soomaaliya.[5]
Waxaa taariikhda lagu sheegay in beesha Madhibaan ay kasoo farcameen daarood ismaaciil . Waxay ahaayeen dad ugaadhsato ah, taasi oo keentay in laga sooco bulshada inteeda kale.[6] Dadka Soomaalida ah inteeda u badan waxay ahaan jireen xoolodhaqato iyo beeroley; taasi oo keentay in si khaldan loo arko dadka ugaadhsatada noqday.
Si kastaba ha ahaatee, beesha Madhibaan iyo dhowr qabiil oo kale waxaa loo yaqaanaa Tumaal; taasi oo asal ahaan ka timid xirfada biraha ay beelahasi ku shaqaystaan.
Dadka Caanka ah
- Maryan Mursal Ciise, fanaanad ku heesta Af-Soomaaliga.
Sidoo kale fiiri
Tixraac
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
- ↑ Ereyga "Midgaan" wuxu ka yimid "Midig"; maantase dad badan waxay u arkaan afxumo!
- ↑ . Adonis & Abbey. p. 10 https://books.google.co.uk/books?id=CXUwAQAAIAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Chapin Metz, ed., Helen. The Federal Research Division of the Library of Congress http://countrystudies.us/somalia/66.htm. Soo qaatay 18 June 2016. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ The Middle East, Issue 4, (Northumberland Press: 2007), p.196
- ↑ Lewis, I.M. (1999). LIT Verlag Münster. p. 14. ISBN 3825830845 http://www.google.com/books?id=yoMBQCr4LysC. Soo qaatay 23 September 2014. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Jama, Hassan Ali (2005). Verlag Hans Schiler. pp. 97–98. ISBN 3899300750 http://www.google.com/books?id=lAyeNqKK7bQC. Soo qaatay 23 September 2014. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)