Dishiishe
![]() | |||||||||
Ugaaska guud ee beelweynta Dishiishe | |||||||||
Meelaha ay ku badan yihiin | |||||||||
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| |||||||||
Luqada | |||||||||
Af-Soomaali iyo Af-Carabi | |||||||||
Diinta | |||||||||
Dadka ay dhalyo wadagaan | |||||||||
Gabtaanle, Majeerteen, Warsangali, Tiinle, Ogaadeen, ,Mareexaan, Reer-Darawiish iyo beelaha kale ee Daarood |
Dishiishe (Af Ingiriis : Dishiishe, Carabi دشيشى) ; sidoo kale loo qoro Dashiishe, Dishishe, Waa qabiil Soomaaliyeed oo ka tirsan beelaha Harti ee beelwaynta Daarood, waxayna ka mid yihiin laf hoosaadka Axmed Harti loona garan ogyahay Mooracase. Waxayna wada dhasheen beelaha Gabtaanle, Tiinle iyo Maganlabe,Waxay beeshu Degtaa Gobolada Bari, Sanaag Iyo Jubbada hoose ee Soomaaliya.Sidoo kale waxay degaan dalka Cumaan gaar ahaan gobolka Dhofar. Dishiishe waxay soohdin la leeyihiin Dhanka Bari Majeerteen, dhanka Galbeedna Warsangeli. Waana Beel aad loogu qadariyo deegaanada Boosaaso iyo Hareeraheeda oo ah Degaanka ay Taariikh ahaan Degaan. [1]
Hordhac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dishiishe waa beel ka mid ah beelaha Harti ee Daarood kana sii ah Mooracase, Qabiilkaan waxuu ku badanyahay woqooyiga gaar ahaan gobolada Bari & Sanaag, degaano ka mid ah dalalka Cumaan iyo Yemen.
Waxay dhalasho wadaag yihiin beelaha Majeerteen, Warsangeli, Dhulbahante, iyo beelo kale, oo dhamaan wada Ah ilmo Harti, Koombe, kablalax, Daarood.[2]
Beeshaani waxay leedahay Ugaastooyo soo jireen ah oo maamuli jirtay deegaanada beeshu degto, sidoo kale beeshaani waxay gundhig u tahay Horumarka dhaqaale, Ilbaxnimo iyo Amni ee ka hana qaaday gobolada Waqooyi Bari soomaaliya wixii ka dambeeyay Burburkii dowladii dhexe ee dalka, Waana beel bulshooyinka Soomaaliyeed ku soo dhoweysay deegaanadeeda oo ay ugu horayso Magaalada Boosaaso.


Abtirsi
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Axmad Harti (Mooracase) Wuxuu dhalay Ismaaciil oo ay ka Farcameen
- Wacaysle Ismaaciil ( Tiinle )
- Cabdalle Ismaaciil ( Gabtaanle)
- Nuux Ismaaciil ( Maganlabe)
- Maxamuud Ismaaciil ( Dishiishe )
- Maxamuud Ismaaciil ( Dishiishe ) Isna wuxuu dhalay Cabdiraxmaan (Miyirwaaq) oo ay ka farcameen
- Ismaaciil Cabdiraxmaan
- Cabdalle Cabdiraxmaan(Makadoor)
- Cabdalle Cabdiraxmaan
- Isxaaq Cabdalle ( Reer Boqor )
- Cabdikariim Cabdalle
- Cabdikariim Cabdalle
- Sakeriye Cali Cabdikariim ( Reer Sakeriye)
- Maxamuud Cabdikariim ( Fiqi Case )
- Ismaaciil Cabdiraxmaan
- Saciid Ismaaciil
- Yoonis Ismaaciil
- Ugaar Ismaaciil
- Ugaar Ismaaciil
- Cabdalle Ugaar
- Cabdikariim Ugaar ( Bahwadaag )
- Jibriil Ugaar ( Reer Xaaji )
- Cabdikariim Ugaar ( Bahwadaag ) Wuxuu dhalay Isxaaq oo ay ka farcameen
- Maxamed Isxaaq
- Saleebaan Isxaaq
- Axmed Isxaaq ( Reer Ugaas )
- Axmed Isxaaq ( Reer Ugaas )
- Xasan Axmed
- Cali Axmed( Mugdi )
- Qaasim Axmed( Ooga cadde )
- Nuux Axmed
- Jibriil Ugaar ( Reer Xaaji )
- Mucaawiye Jibriil
- Cismaan Jibriil
- Cismaan Jibriil
- Maxamed Ciise Cismaan Jibriil ( Reer M. Ciise )
- Faahiye Saalax Cismaan Jibriil ( Reer Faahiye )
- Rooble Cismaan Jibriil
- Rooble Cismaan
- Gabdoon Rooble ( Reer Gabdoon )
- Isxaaq Rooble ( Reer Isxaaq )
- Saalax Rooble
- Maxamuud Rooble
- Maxamuud Rooble
- Muuse Maxamuud Rooble ( Reer Muuse )
- Maxamed Maxamuud Rooble[4]
Tixraac:
Buugga Taxa-taran, Qore: Maxamuud Bile Dubbe
https://web.archive.org/web/20200719225452/http://www.biyokulule.com/taxataranMooro.htm
Sidoo kale fiiri
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ Central Intelligence Agency. Perry–Castañeda Library http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_ethnic_grps_2002.jpg. Soo qaatay 18 May 2010. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Soda laga soo xigtay Waayeelka , waxgaradka iyo soo jireenka Qabaa'ilkaa
- ↑ www.lib.utexas.edu http://www.lib.utexas.edu/maps/somalia.html. Soo qaatay 6 April 2018. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ https://web.archive.org/web/20200719225452/http://www.biyokulule.com/taxataranMooro.htm
![]() |
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
Buugga Taxa-taran. Qore ( Maxamuud Bile Dubbe Mareegta: Biyokulule.com ( https://web.archive.org/web/20200719225452/http://www.biyokulule.com/taxataranMooro.htm )