Jump to content

Tumaal

Ka Wikipedia
Tumaal

birshiile ama Tumaal (ingiriis: smith, blacksmith, metalsmith) waa xirfad-yaqaan looga dambeeyo tumista biraha, biraha loo adeegsado mindiyaha, seefaha iwm. Sidoo kale Tumaal waxaa loo yaqaan ruuxa birta tuma laftiisa.

Dahabshiile (goldsmith) ama xaddaad, ama dahable ama meemman waa tumaale ama birshiile oo ku janjeero dhinaca dahab ama biraha kale oo birdhi ama dhaxalgal ah. Wuxuu dahabshiilaha isticmaala qalabka naarsimo loo yaqaan. Tumidda ugu dambeysa waxaa loo yaqaana "raawi".

Qalinshiile (silvermsith) waa tumaale ama birshiile oo ku jaanjeero dhinaca birta qalin oo ah meherad la wadaagta dahabshiile. Wuxuu qalinshiile isticmaalaha qalabka naarsimo loo yaqaan.

Qalmashube waa shakhsi gaar ah oo si rasmi ah loogu oggol yahay inuu lacag soo saaro, khaasatan quruush. Caadi ahaan, xuquuqda lacagta soo saarista waxaa la siiyaa iyadoo loo oggol yahay heshiis dowladeed ama dowladda. Qalmashube waxay leeyihiin taariikh dheer, taasoo ugu yaraan ka soo bilaabmaysa Giriigga qadiimiga ah. Waxay caan noqdeen xilligii Jamhuuriyadda Roomaanka, waxayna sii socdeen ilaa Xukuumaddii Imbaraadoorka. Roomaanka, jagada Triumvir Monetalis, oo ay hayaan saddex qof markasta, waxay ahayd xil yaryar oo uu Senate-ku siiyo, badanaa waa xafiiska ugu horreeya ee ay qabtaan siyaasiyiin dhalinyaro ah, oo ay ku jiraan Marcus Aurelius.


Soomaalida waxay aaminsantahay ruux birta tuma ee jooga tuulo ama gobol iyo kan kale ee jooga degmooyinka dhamaantood in ay isku qabiil yihiin, waana dhaqan xun ee ka fog ilbaxnimada.