Madaxwaynaha Soomaaliya
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed | |
---|---|
Xarunta | Villa Somalia |
Muddada xilka | Afar sanno |
Xilka soo bilaabay | Aadan Cabdulle Cusmaan |
La aas aasay | 1 July 1960 |
Website | villasomalia.gov.so |
Madaxaweynaha Soomaaliya (Af Ingiriis : President of Somalia) waa madaxweynaha iyo hogaamiyaha guud ee wadanka Soomaaliya. Madaxweynaha wadanku waa hogaamiya koowaad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Intaasi waxa dheer, Madaxweynuhu wuxuu hormuud u yahay Dowlada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, midnimada Umada Soomaaliyeed, dhaqan-gelinta Dastuurka Soomaaliya, iyo howl-gelinta xubnaha dowlada.[1]
Hordhac
Xafiiska rasmiga ee Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la aasaasay markii ay sameeysantay Jamhuuriyada Soomaaliya 1dii Luuliyo sanadkii 1960kii. Madaxweynihii ugu horeeyay ee xafiiska qabta wuxuu ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan (ku magac dheeraa "Aaden Cadde"). Madaxweynaha maanta tallada haya waa midkii 8aad, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo kursiga ku fadhiya tan ilaa markii la doortay 16kii Sebtember 2012.[2]
Madaxweynayaasha Soomaaliya
Madaxweyneyaashii soomaray dalka Soomaaliya.
Xilka qabtay | Sawir | Jagada | Xisbi | Faallo | |
---|---|---|---|---|---|
Jamhuuriyadda soomaaliya | |||||
1 Luuliyo 1960 ilaa 10 Juun 1967 | File:Aadan Cade.jpg | Aadan Cabdulle Cusmaan, Madaxweyne | SYL | ||
10 Juun 1967 ilaa 15 Oktober 1969 | File:Sharmaarke.jpg | Abdirashid Ali Shermarke, Madaxweyne | SYL | La dilay | |
Dowladdii kacaanka | |||||
21 Oktober 1969 ilaa 1 Luuliyo 1976 | Mohamed Siad Barre, Madxii usareeyey afgambiga | Mil | |||
1 Luuliyo 1976 ilaa 26 Janaayo 1991 | Mohamed Siad Barre, Madaxweyne | SRSP | Xiligiisii hanti wadaagga | ||
Dagaal sokeeye | |||||
Janaayo 1991 ilaa Juun 1995 | File:Cali Mahdi.jpg | Ali Mahdi Muhammad, Madaxwyne ku meel gaar ah (Dowladiisiina ma shaqayn Kadib markii uu ka horyimid Maxamed Faarax Caydiid) | USC | Dagaal sokeeye ayaa dhacay | |
15 Juun 1995 ilaa 27 Ogosto 2000 | Xilligaan dalka wax dowlad ah ma jirin ilaa laga soo gaaro shirkii carta | ||||
Kumeel Gaar (TNG) | |||||
27 Ogosto 2000 ilaa 14 Oktober 2004 | Abdiqasim Salad Hassan, Madaxweyne ku meel gaar ah | n-p | |||
Kumeel Gaar ama Dowladda federaalka kumeelgaarka (TFG) | |||||
14 Oktober 2004 ilaa 29 Diisembar 2008 | Abdullahi Yusuf Ahmed, Madaxweyne ku meel gaar ah | SSDF | Is Casilay | ||
31 Janaayo 2009 ilaa 20 Ogosto 2012 | Sharif Sheikh Ahmed, Madaxweyne ku meel gaar | ARS | Dowlad Midnomo Qaran | ||
Jamhuuriyadda faderaalka soomaaliya | |||||
16 Sebtember 2012 Ilaa 7 Febraayo 2017 | Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne | PDP | |||
8 Febraayo 2017 Ilaa iyo hadda xilka haya | Maxamed Cabdulaahi Maxamed, Madaxweyne | PDP |
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ *Provisional Constitution (adopted August 1, 2012)
- ↑ The Illustrated Library of The World and Its Peoples: Africa, North and East, Greystone Press: 1967, p. 338