Guriceel
Guriceel Kuraasyo Cad (magac hore) | |
---|---|
Degmo | |
Dalka | Somalia |
Gobolka | Galgaduud |
Degmo | Guriceel |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
[1]Guriceel waxay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Galguduud. waxaa dago beesha ceyr maxamad madarkicis hiraab Waxay dhanka koonfureed uga beegan tahay magaalo madaxda gobolka ee Dhuusamareeb.
Degmadaan waxaa lagu qiyaasaa in ay degenyihiin dad lugu qiyaso ilaa 5l.000 oo qof. Baaxada magaalada qiyaas ahaan waa 52 km².
Maagalada Guriceel waa magaalo ay dagaan dad nabadoono ah oo jecel nabada waa dad iskaga war qaba, waxey reer Guriceel ku xaliyaan mashaakilka qaab waafaqsan shareecada Islaamka, xitaa hadaanuu jirin maamul dowladeed iyo ku gobol toona. Magalada guriceel waxa ka shaqeeya dhamaan heyadaha qaramada midoobay ayaga oo hoostagaya xafiiska looga taliyo degmada guriceel.
Degmada Guriceel waxaa lagu Tiriyaa meelaha Ugu xoogan Ganacsiga iyo wax brashada Markii laga hadlaayo Gobolada dhexe.
Degmada waxaa kuyaal Goobo badan oo wax barasho Sida Madaaris Diini ah iyo Schools Farabadan.
iskuulada Ugu Caansan waxaa Kamida
- Omar Binu AbdiAziiz primary and secondary school
- Al-ma'muun Al-azhari primary And secondary school
- Ablaal primary & secondary School
- Adult Commercial school.
- Aisha bintu abiibakar primary & secondary school
- Hanaano primary and memorize holy Qur'an.
- Al iman ibnukhuzayma primary and secondary schools
- Mustaqbal Primary and secondary school
- Wehliye Primary and secondary school
- Sheikh Jiilaani School
AQoonyahanada Dadka Caanka Ah ee Degmada kasoo jeeda Waxaa Kamid ah.
waa magaalo qurxan oo 2012 gaartey horumar la taban karo sida caafimaadka wax barashada ganacsiga dhismaha iyo dhamaan hey' adaha dowladnimo dadka reer guriceel waa dad daneeya horumarka magaalada waxeyna kubaaqaan mar walba nabada iyo kala danbeeynta magaalada waxaa qoray abdisamad nuur jaako gurceel waa magaalo ay daganyihiiin dad jecel nabada iyo xasiloonida waana magaaladii ugu horeysay ee lagala dagaaalama alshabaaan Somali inteeda kalana tustay
GOOBAHA UGU CAANSAN GURICEEL Ee Dhalinyaradu kukulmaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1:Baararka
2:Tuula Gaban
3:Bostejo Dabare
4:Shimbira oonshe
4:Quraca Xadiya Cad
Dhaqaalaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Guriceel waa magaalo sida magaalooyinka kale ee gobolada dhexe dhaqaaleheedu ku tiirsanyahay Xoolaha nool iyo tijaarada kalaba. Guriceel waxey ku taalaa bartamaha Soomaaliya, taas oo la dhihi karo waa buundo bariyeed isku xirta ganacsiga gobolda Wuqooyi, bari iyo kuwa koofureed ee wadanka. Magaalda Guriceel, iyadoo cimri ahaan iska yar, ayaa hadana dhaqaaleheedu waxa uu yahay Degmada ugu dhaqaalaha badan gobolka galgaduud taasoo laga dareemi karo horumarka magaalagu ku talaabsanayso taasoo aad ku arkaydo daafaha magaalada dhismeyaal aad u waawayn oo ay maal gashadeen jaaliyadaha debeda kadib markay soo jiidatay horumarka ay ku tilaabsatay. magaaladu waxay leedahay ganacsiyaal waawayn oo iskugu jira shirkado ganacsi iyo kuwo gaar loo leeyahay sida shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha dhismada, ceelasha biyaha iyo schooladka oo iskugu jiray hoose dhexe iyo sare iyo jaamacado sida bariga afrika university iyo sentral university. haddii aad magaalada dhex marto waxaad arkaysaa suuqyada oo aad u camira sida baqaarada, xawaaladaha, bacadleyaasha iyo dhamaan qalabyada Electronikada. waxaad arkaysaa maqaayado casri ah iyo hoteelo u dhigma kuwa dunida horumaray. guriceel waxaa liis loogu jiraa engineerada guryaha dhisa inbadana waxaad arkaysaa dhismeyaal cusub oo meelkasta ka socda iyo dabaqyo aan horay looga baran. shirkadaha xoolaha dhoofiyo waxay ku leeyihiin xaafiisyo waawayn oo maalinkasta laga dhoofiyo xoolo u badan ari taasi oo dhaqaalaha deegaanku aad ugu tiirsan yahay. Guriceel waxaa degan Hayádo badan oo iskugu jira UN iyo international organsizations waxaana ka mid ah Hay'adda caalamiga ah ee MSF, ACF, SAVE THE CHILDERN iyo dhamaan Hayádaha UN ka sida wfp, who, uniceif, unhcr, iyo coopi international. sidoo kale waxaa ka hawl gala ururda wadaniga ah ee kala BRADO, SAHED iyo APCC,oo dhamaantood dadka deegaanka u qabtay gargaar iskugu jira badbaadin iyo horumarin. abdisamad nuur jaako.
Siyaasadda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magalada guriceel waa magaalo kobaceedu si haarsare ah ku socdo, cimri ahaana waa magaalo la dhihi karo waxay hano qaaday , waqtigii la dhisaayay laamiga dheer oo bari iyo koofur isku xira ee magaalada dhex mara.
Magaaladaan waxay isku xiryaa ganacsiga xoola , sida ariga jarka ah , oorta beeca ah , lo'da dibida , waana magaalo si toosa ugu xiran dekeda berbera oo , xoolaheeda laga raro. Waxay suuq xoolaad u tahay guud ahaan gobolka galgaduud , qaybo badanoo hiiraan ka mida , iyo dhulka soomaali galbeed , o ganacsigeeda xoolaha usoo iib geysata Guriceel.
guriceel waa magaalo isku xirta gobolada dalka gaar ahaan gobolkan gal gaduud guriceel dadka kunool waxay caan ku yihiin nabada iyo badbadinta nolosha admiga waxay kaloo caan kuyihiin soo dhawaynta iyo ixtiramka dadka martida ah waxaa kajira nidamka dimuqradiga ah oo qofku siduu dono ayuu ushaqaysanayaa nabad galyo waxay leedahay aqoon yahaniin caan ku ah hormarinta bin adamka iyo tageerida dadka da da ayar oo sookoraya donayana waxabarashada.
Magaalada gurceel waxey ka mid tahay magaalooyinka sida xooga hormurka Soomaaliya uga socdo marka loo eego magaalooyinka Soomaaliya oo dhan xaga wax barasha, xag cafimaad iyo dhaqaale waxaana hada aad si xoowli ah waxl ooga bartaa jaamacado aad u heer sareeyo iyo waxa ay kaloo magaalada leedahay airoport aad loo qalabeeyay oo diyaarada caalamiga isticmaalaan
Sawirro Hore 10 naan sano kahor!!
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Sidoo kale waxa ay si aad ah ugu sooobadaa fahanka iyo istinaalka qalabka electronics-ka sida moobelada gacanta
Ugu taraan magaalada guriceel waxaa hada kutaalo 10 carwo oo lagu iibiyo qalabka electronics -ka ah iyo 6 qeybood oo farsamo
- ↑ Baladul aamiin