User:Jaarso
Taariikhaha caanka ah ee Qabiilka jaarso,waxaa ka mid ah :
- Boqortooyadii Jaarso Sultanate ee ka talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah dalkan Ethiopia,
- Boqortooyadii Sultanate of Dawaro ee uu amiirka ka ahaa Sheekh Ḥaydar (Haydara).
- Kaalintii ay ku lahayd Ifat Sultanate.
- Dagaalkii Jaarso iyo Boqortooyadii Menelikii 1aad ee loogu magac daray JALANQO.
- Doorkii ay ka qaadatay halgankii geesigoodii Imaam Axmed Guray.
- Dagaalkii qadhaadhaa ee ay lagashay Taliskii macangaga ahaa ee Xayla Siilaasisanadku markuu ahaa 1940 kii, dagaalkaaso looyaqaan Dagaalkii Kanooniga.
- Aas aaskii ururkii dhalinyarada xornimadoonka soomaaliyeed ee SYL.
- Dagaalkii hubaysnaa ee ay la gashay Dowladii kaligii taliyeMengista Xayle Maryamiyo aas aaskii Jabhadii Horyaal ee ay Beeshu ka midka ahayd qabiiladii ugu awooda badnaa kana danbeeyay in la sameeyo Jabhadii HORYAAL.
Dagaaladii ugu qadhaadhaa ee ay gasho qabiilka Jaarso waxaa ugu waa waynaa dagaaladii loogu magacdar Dagaalkii Jalanqo iyo Dagaalkii Kanooniga ee ay la kala gashay Mengista Xayle Maryam iyo Xayla Siilaasi. Dagaalkii Jalanqo wuxuu ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Qulubi iyo Dhangago,halkaas oo ay ciidamadii Boqortooyadii Jaarso kaga hortageen gumaystihii, dagaalkaas waxaa hogaaminyay geesiyaashii Jaarso ee lagu kala magacaabi jiray Abuubakar Waale iyo ku xigeenadiisa Rooba Galmo iyo Rooba Galmoso , dhanka boqortooyadii Menelikii 1aad waxaa dagaalka hogaaminayay Yohanes iyo wolde gabre.
Dagaalkii Kanooniga isaguna wuxuu wuxuu ka dhacay aagaga Jigjiga ilaa Harar sababihii keenayna in qabiilka jaarso kaligii dagaal la galo boqor Xayla Siilaasi, taabo link-kan si aad u aqrisato sabibihii keenay Dagaalkii Kanooniga http://so.wikipedia.org/wiki/Dagaalkii_Kanooniga