Siin (guur)
Silsilad ka mid ah |
Guurka |
---|
Qeybaha |
Noocyada |
Tallaabooyinka |
La xidhiidha |
|
Siintu waa xaflada iyo damaashaadka ku xiga doonista guurka. Siintu waa marka gabadha la bixiyo ee loo ogolaado wiilka soo doontey inuu guursado. Dhinaca kale, guurku waa midowga lamaane si u sii wadaan jiritaanka aadamaha. Guurku wuxuu ahaa mid soo jireen ah tan ilaa wakhtiyadii ugu horeeyay ilbaxnimada dadka. Dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo iyo caadoyin badan kuwaasi oo ku salaysan dhaqanka, dhaqaalaha, wadanada, diinta iyo nolosha.
Aroosyada badankooda waa dhacdooyin farxad leh. Kuwa isqaba waa inay guurkooda si sharci ah u diiwaangeliyaan.
Arooska
Aroos waa dhacdo dabaaldega midowga labo qof ku galayaan guurka. Sida caadiga ah, aroosku waa xaflada iyo damaashaadka wakhtiga ay dhacayso meherka iyo wixii damaashaad iyo farxad ah ee la xidhiidha.[1] Nidaamka iyo dhacdada aroosku waa mid ay ku kala duwan yihiin bulshada caalamku taasi oo ku xidhan dhaqanka, caadada, diinta, wadanka, bulshada iyo heerka darajada dhaqaale ee lamaanaha.
Hordhac
Lacagta Meherka Meherku waa Hanti mood iyo maalba ah ( Xoolo nool, Guryo, Gaadiid, Lacag IWM ) waxa ay doonto ha noqotee, balse maaha wax la bixiyo marka laba qof is arooseyso, ee waa Hanti loogu tala galay in ay raggu ku xalaashadaan gabdhaha ay aroosayaan, waana hanti ay ku soo heshiiyaan marka ay sheekeysanayaan inta aan la imaan goobta la isku mehersanayo. Hantidaas waxaa iska leh oo la siiyaa gabadha oo lama siiyo reerka gabadhu ka soo jeeddo iyo cid kale toonna, haddii aan ninku bixin karin hantidaas waxaa ka dhaafi kara keliya gabadha uu guursadey, waayo waa xaq ay iyadu gaar uleedahay oo ninka waajib ku ah marka laga eego xagga shareecada Islaamaka. Aroosku waa xaflada loo dhigo midowga labo qof ku noqonayaan lamaane is-guursaday. Waxaa jira noocyo badan oo damaashaad iyo dabaaldeg ah oo la xidhiidha arooska. Dhaqanka Soomaalidu wuxuu leeyahay nidaam u gaar ah oo loo dhigo arooska.
Guurka
Guurku waa labo qof sida ninka iyo naagta marka ee is guursadaan. Waa dad kadhaxeeyo isla shaqeen, dhaqaale iyo jaceel. Soomaalida marka ee is guursanaayaan waxaa loo qabtaa buraanbur iyo cayaar. Guurka waa maalin farxad leh, qof walba neh inta oo noolyahay mar uu guursanaa, guurka sidiisa ba waa nolosha biniaadanka. Qof marku uu guursado wuu dagaa oo fakarka badan aya daaya.
Muuqaalo
Sidoo kale fiiri
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
Xigasho
- ↑ Otnes, Cele & Pleck, Elizabeth (2003). Cinderella Dreams: the Allure of the Lavish Wedding, p. 31. University of California Press, Berkeley.