Portal:Yurub
![]()
Yurub (Af Ingiriis : Europe; Af Carabi : ar) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan. Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha. Muuqaal xul ah
Qasriga São Jorge waa dhismo weyn oo ku yaala badhtamaha magaalada Lisbon, magaalo-madaxda wadanka Bortuqiiska. Maqaal xul ah
Midowga Yurub (Af Ingiriis : European Union; loo soo gaabiyo: (EU); Af Carabi : ar) waa urur midow siyaasad iyo dhaqaale kaasi oo ka dhexeeya dhamaan wadanada xubnaha ka ah midowga kuwaasi oo degan gobolo ka mid ah qaarada Yurub. Wadanada xubinta ka ah midowga waxay ku fadhiyaan dhul baaxadiisu le'eg tahay ilaa 4,324,782 km2 (1,669,808 sq mi), halkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya in ka badan 510 milyan. Wadanada ka tirsan Midowga Yurub waxaa ka mid ah: Austria, Belgium,Bulgaria, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Greece, Hungary, Ireland, Italy, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Malta, Netherlands, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Sweden, United Kingdom
Sawir xul ah
Baarlamaanka Yurub waa golaha baarlamaanka Midowga Yurub. |
Mashaariic Bahwadaag
![]() |
Hooyga muhiimka ah: |
Arimaha Bulshada | Bulshada | Hiddaha iyo Dhaqanka | Cuntada | Cilminafsi | Dhaqaalaha | Siyaasadda | Waxbarasho | Juqraafi | Taariikh | Sharci | Af-maal | Fikir | Falsafad |
Qaaradaha: |
Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub | | |
Portal Bahwadaag la ah: | ||
Sidoo kale: | ||
[ Bulsho ] | [ Hooyga ] |