Portal:Latin Ameerika
![]() Latin Ameerika (Af Ingiriis : Latin America) waa magaca qaarada Ameerikada Koonfureed kaasi oo uu bixiyay boqor la odhan jirey Maximilian I kaasi oo ka talin jirey agagaarka wadanka maanta loo yaqaano Meksiko. Qaarada Latin Amerika waxay juquraafi ahaan dhacdaa badhtamaha khadka dhulbadhaha iyo koonfurta dhulbadhaha. Intaas waxaa dheer, dadka ku dhaqan qaaradani waxay ku hadlaan Af-Isbaanish iyo Af-Burtaqiis. Muuqaal xul ah
Muuqaalka La Paz, magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Booliifiya. Maqaal xul ah
Dalka Barasiil oo loogu dhawaaqo Federal Republic of Brazil waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka ,koofurta amerika iyo dhammaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka brazil waxaa dhinaca bari ka marta badda ATLANTIC OCEAN, oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491km. Wuxuuna xuduud kala leeyahay dhinaca waqooyi dalka Venezuela,Guyana, suriname iyo french guiana. Dhinaca waqooyi galbeedna waxaa dalka brazil xuduud uu kala leeyahay daka COLONBIA. Galbeedna waxaa kaga beegan BOLIVIA iyo PERU. Sidoo kale dhinaca koofur barina waxuu xuduud kala wadaagaa dalalka ARGENTINA, iyo PARAGUAY, halka waqooyi uu ka xiga dalka URUGUAY. Waxaa la odhan karaa dalka brazil dhammaan xuduud ayuu la leeyahay wadamada waqooyiga marka laga tago ECUADOR iyo CHILE. Tirada dadka reer Brazil waa 190 milyan 83.7 waa dad degan magaalo. 2008 heerka wax aqris iyo qoris la’aanta waxey aheyd 11.48% waxeyna u badnaayeen dhalinyaro dadoodu u dhaxeysay ( 15-19 ). Dhaqaalaha wadanka Brazil waa wadanka todobaad waxaana door libaax leh ka ciyaaray in dhaqaalaha uu kobco ( Brazil’s national development bank (BNDES) ) ,xagga wax iibsiga waa wadanka todobaad Marka laga hadlayo wax soo soorka KAFEEGA waa wadanka ugu weyn ee soo saara Kafeega 150kii sano ee u danbeeyay. Waxey kaloo kordhiyeen joogitaanka suuqyada maaliyadeed iyo badeecooyin waxeyna nasiib u heleen in ay Brazil ay noqoto suuqa afaraad ee ugu weyn baabuurta caalamka.
JuquraafigaSawir xul ah
Moai waa farshaxan la qoray taasi oo loo eekeysiinayay aadamaha. Farshaxankani wuxuu dhacaa gasiirada Easter ee ka tirsan gasiiradaha Polynesia ee ku taala koonfurta Badweynta Baasifiga. Wakhti imika laga joogo 3250 sano ilaa 3500 sano ayaa Sanamyada noocan ah oo aad u badan ayaa waxa nashqadeeyay dadka laga tirada badan yahay ee Rano Raraku ee khaaska ku ah gasiiradahaasi Polynesia. Qof xul ahCategoryMaqaalada Latin AmeerikaMashaariic Bahwadaag
|