Maxamed
Sharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.
Maxamed | |
---|---|
Dhawaaqid | /xɑːməd/, /hæməd/, /hɑːməd/, /hæməd/, Af-Carabi: [mʊˈħæmmæd] ( dhageeyso), [moˈħæmmæd]. |
Nooc | Ninn |
Asalka | |
Weedh/Magac | Af-Carabi ﻣﺤﻤﺪ |
Macnaha | Mahadsan |
Meesha asalka | Islaamka oo dhan |
Magacyo kale | |
Higgaad | Maxamed max'ed Mohamad, Mohamed, Mohammad, Mohammed, Muhamad, Muhamed, Muhamet, Muhammed, Muhammet, Mahammud |
Maxamed, Muxamed, Maxamad, Muxumed, Maxamuud (ingiriis: Muhammad, Muhammed; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, Muxamed, "Maxamed"; Faransiis: Mahmed, "Maxamed") waa magac af-Carabi ah oo macnihiisu yahay amaanan, la amaanay[1] kaasi oo af-Ingiriis lagu dhaho Muhammad.[2]
Magacan waxaa iska leh nebiga iyo rasuulka diinta Islaamka ee Nebi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato.
Magaca Maxamed waxaa loo bixiyaa labka dadka.[3]
Sanadkii 2000 cilmibaadhis la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Magaca Maxamed yahay magaca ugu badan ee dadka ku nool dunidu isticmaalaan taasi oo la sheegay in tiro dad oo ka badan 150 milyan lagu magacaabo Maxamed.[4]
Luuqadaha Kale
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaca Maxamed waxaa lagu isticmaalaa dunida oo dhan waloow qoraalka iyo ku dhawaaqistu kala duwan tahay. Dadka Talyaaniga waxaa magacan loo qoraa Mahometus taasi oo ka timid ereyga Maometto oo la mid ah Muxamed; halka wadanka Giriiga looga yaqaano Μωάμεθ taasi oo loogu dhawaaqo "Moameth". Dhinaca kale, dadka Kaatalaanka iyo wadanka Isbayn waxaa la dhahaa Mahoma, laakiin dadka Burtuqiiska ahi waxay magaca u qoraan Maomé. Sidoo kale, dadka Gaalishiyaanku waxay yidhaahdaan Mamede oo la mid ah Muxumed. Intaasi waxaa dheer dalka Boland magaca Maxamed waa Mahomet; halka wadanka Ruushka uu ka yahay Мухаммад taasi oo loogu dhawaaqo Mukhammad. Sidoo kale qeybo ka mid ah Ruushka bari waxay u qoraan magacani Магомед oo dhawaaqeedu noqonayo "Magomed". Isku soo wada duuboo dadka Soomaalida ahi waxay u yaqaanaan Maxamed. Wadanka Sinigaal iyo dalal kale oo galbeedka Afrika ahi waxay ugu yeedhaan siyaabo kala duwan ooy ugu badan tahay Mamadou. Dadka reer Kazakh, magaca Muxamed waxay dhahaan Мұхаммед oo loogu dhawaaqo "Mukhammed".
Ugu dambeyn dhulka Shiinaha waxaa magaca Muxamed loo qoraa sidani 穆罕默德 (Mùhǎnmòdé). [5]
Dadka Caanka ah ee Magacan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Nebi Muxamed nebiga diinta Islaamka.
- Maxamed Siyaad Bare, madaxweynihii hore ee Dawladda Soomaaliya.
- Maxamed Ibraahim Cigaal madaxweynihii hore ee Dawladda Somaliland.
- Maxamad Aziz, siyaasi u dhashay wadanka Malaysiya.
- Mohamad Bazzi, qoraa reer Lubnaan ah.
- Maxamad Elzahabi, hogaamiyaha milatariga wadanka Lubnaan.
- Maxamad Nor Ismail,
- Maxamad Kasebi, filimsameeye reer Iiraan ah.
- Maxamad Abdul Tayyab, saynisyahan Hindiya u dhashay.
- Maxamad Zbida, ciyaartooy Suuriya u dhashay.
Jadwalka Magacyada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Sharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.
Magacyada dadka Soomaalida ah iyo kuwa dadka Islaamka ahi aad ayay u badan yihiin, boqolka magac ee ugu muhiimsan isla markaana loogu isticmaalka badan yahay waxaa ka mid ah:
Tiro | Magac | Soomaali ama Carabi | Lab ama Dhedig | Macnaha | Isticmaalka | Dadka Caanka ah |
---|---|---|---|---|---|---|
1 | Aadam | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
2 | Aamina | Carabi | dhedig | la aaminay lagu kalsoon yahay |
dhexdhexaad |
|
3 | Abu Baker | Carabi | Lab | - | laguma badna | |
4 | Aasiya | carabi | dhedig | - | laguma badna | |
5 | Aadan | fiiri Aadam | ||||
6 | Abiib | Carabi | Lab | - | looma badna | - |
7 | Axmed | Carabi | Lab | - | loo badan yahay |
|
8 | Abshir | Carabi Soomaali | lab | bishaaraysi | dhexdhexaad |
|
9 | Ayaan | Soomaali | dhedig | nasiibley | dhexdhexaad | - |
10 | Ayaanle | Soomaali | Lab | nasiib badane | dhexdhexaad | - |
11 | Asma | Carabi | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
12 | Ayuub | Carabi | Lab | - | looma badna | |
13 | Aways | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
14 | Cali | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | Cali bin Abi Daalib |
15 | Canab | Carabi | dhedig | - | looma badna | |
16 | Ciise | Carabi | Lab | - | looma badna | |
17 | Cumar | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad |
|
18 | Cabdi | Carabi | Lab | adoon | dhexdhexaad | - |
19 | Cabdi Raxmaan | Carabi | Lab | adoonkii Naxariistaha | dhexdhexaad | - |
20 | Cabdi Raxiim | Carabi | Lab | adoonkii Naxariistaha gaar | dhexdhexaad | - |
21 | Cabdi Laahi | carabi | lab | - | dhexdhexaad | - |
22 | Cabdi Salaam | carabi | lab | - | dhexdhexaad | - |
23 | Cabdi Casiis | carabi | lab | - | dhexdhexaad | - |
24 | Cabdi Jabaar | carabi | lab | - | dhexdhexaad |
|
25 | Cabdi Fataax | carabi | lab | - | dhexdhexaad | - |
26 | Cabdi Qani | Carabi | Lab | adoonkii Taanjirka | dhexdhexaad | - |
27 | Cabdi Rasaaq | Carabi | Lab | adoonkii Quudiyaha | dhexdhexaad | - |
28 | Cabdi Maalik | Carabi | Lab | adoonkii boqorka | dhexdhexaad | - |
29 | Caynaan | Soomaali | Lab | midkii lagu diirsaday | dhexdhexaad | - |
30 | Daa'uud | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad |
|
31 | Deeqa | Soomaali | dhedig | loogu Deeqay | dhexdhexaad | |
32 | Deeq | Soomaali | Lab | loogu Deeqay | dhexdhexaad | - |
33 | Dalmar | Soomaali | Lab | socdaa; qof dalka soo arkey | dhexdhexaad | - |
34 | Daahir | Carabi | Lab | nadiif | dhexdhexaad | |
35 | Faadumo | carabi | dhedig | - | dhexdhexaad | *Faaduma Nebi gabadh Nebi Muxamed dhalay |
36 | Foosiya | Carabi | dhedig | guulaysato | dhexdhexaad |
|
37 | Faarax | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
38 | Geedi | Soomaali | Lab | qof safar ah | looma badna | - |
39 | Haaruun | Soomaali | Lab | kii sharafta laha | lagu yar yahay | |
40 | Haybe | Soomaali | Lab | kii sharafta laha | lagu yar yahay | - |
41 | Hinda | Hindi | dhedig | - | ma badna | *qof loogu magac daray wadanka Hindiya |
42 | Hibo | Soomaali | dhedig | loo quudhay | dhexdhexaad |
|
43 | Hodan | Soomaali | dhedig | barwaaqo | dhexdhexaad |
|
44 | Huud | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
45 | Iidle | Soomaali | Lab | qof nasiib leh | dhexdhexaad | - |
46 | Ibraahim | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
47 | Ismaaciil | Carabi | Lab | Alle waa maqley | dhexdhexaad |
|
48 | Ilyaas | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
49 | Iqbaal | Carabi | dhedig | la ogolaaday | dhexdhexaad | - |
50 | Idil | Soomaali | dhedig | dhamaystiran | dhexdhexaad | - |
51 | Idiris | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
52 | Jaamac | Carabi | lab | kulmiye | looma badna | - |
53 | Jamiila | Carabi | dhedig | qurux badan | dhexdhexaad | - |
54 | Khadiija | Carabi | dhedig | - | dhexdhexaad |
|
55 | Khaalid | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
56 | Khadar | Carabi | Lab | nasiible | dhexdhexaad | - |
57 | Khadra | Carabi | dhedig | guuleysato | dhexdhexaad |
|
58 | Ladan | Soomaali | dhedig | qof wax heysta | looma badna | - |
59 | Ladane | Soomaali | lab | nin wax heysta | dhexdhexaad | - |
60 | Leyla | Carabi | dhedig | ayaanley | dhexdhexaad | - |
61 | Liibaan | carabi | lab | guul | dhexdhexaad | - |
62 | Luul | Carabi/Soomaali | dhedig | dheeman/Lu'lu | dhexdhexaad |
|
63 | Maxamed | Carabi | Lab | amaanan, la amaaney | lagu badan yahay | |
64 | Muxumed | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
65 | Maxamuud | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
66 | Maryam | Carabi | dhedig | - | dhexdhexaad | |
67 | Maslax | Carabi | Lab | wax hagaajiye | dhexdhexaad | *Maslax Xuseen |
68 | Mowliid | Carabi | Lab | dhalasho | dhexdhexaad | - |
69 | Muuse | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
70 | Najma | Soomaali | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
71 | Nuur | carabi | lab | ileys ama iftiin | dhexdhexaad | - |
72 | Nuux | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
73 | Qaasim | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
74 | Raxmo | Carabi | dhedig | naxariis | lagu yar yahay | - |
75 | Raaxo | Soomaali | dhedig | raaxaysi | lagu yar yahay | - |
76 | Raage | Soomaali | Lab | midkii habsaamay | dhexdhexaad | - |
77 | Ruqiya | Carabi | dhedig | - | lagu yar yahay | *Ruqiya Nebi gabadh Nebi Muxamed dhalay |
78 | Samatar | Soomaali | Lab | - | dhexdhexaad | - |
79 | Safiya | Soomaali | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
80 | Saynab | carabi | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
81 | Sahra | carabi | dhedig | wado/jid | dhexdhexaad | - |
82 | Sacaada | carabi | dhedig | guul | dhexdhexaad | - |
83 | Suleekha | carabi | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
84 | Saalax | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | *Nebi Saalax |
85 | Shuceyb | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
86 | Suleymaan | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | |
87 | Shacbaan | carabi | lab | dheregsane | dhexdhexaad | - |
88 | Saadaam | carabi | lab | - | dhexdhexaad |
|
89 | Siyaad | Carabi | Lab | - | laguma badna | |
90 | Suge | Soomaali | Lab | kii la sugayay | dhexdhexaad |
|
91 | Warfaa | Soomaali | Lab | - | dhexdhexaad | - |
92 | Waaberi | Soomaali | Lab | marka qoraxdu soo baxayso | dhexdhexaad | |
93 | Warda | Soomaali | dhedig | tasbiix | dhexdhexaad | - |
94 | Xaawo | Carabi | dhedig | - | dhexdhexaad | |
95 | Xareed | Soomaali | Lab | biyaha roobka | dhexdhexaad | - |
96 | Xuseen | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad |
|
97 | Xasan | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad |
|
98 | Xasna | Soomaali | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
99 | Xaliimo | Soomaali | dhedig | - | dhexdhexaad |
|
100 | Yaasiin | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
101 | Yaasmiin | Soomaali | dhedig | - | dhexdhexaad | - |
102 | Yusra | Soomaali | dhedig | fudayd | dhexdhexaad | - |
103 | Yuusuf | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | *Nebi Yuusuf |
105 | Yaxye | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | - |
106 | Yacquub | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad | *Nebi Yacquub |
107 | Yoonis | Carabi | Lab | - | dhexdhexaad |
Qoraalo La Mid Ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "ingiriis: Muhammad, Muhammed; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, Muxamed, "Maxamed"; Faransiis: Mahmed, "Maxamed""
- ↑ "waa magac af-Carabi ah oo macnihiisu yahay amaanan"
- ↑ "Maxamed waxaa loo bixiyaa labka dadka"
- ↑ "Sanadkii 2000 cilmibaadhis Magaca Muxamed waa kan ugu badan ee dadku isticmaalaan.. tiro dad 150 milyan lagu magacaabo Maxamed.
- ↑ "Mahometus, Maometto, Μωάμεθ, Maomé, Мухаммад, Магомед, Мұхаммед, Mùhǎnmòdé"