Jump to content

Daahir Rayaale Kaahin

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Daahir Riyaale Kaahin)

Taariikh nololeedkii Daahir Rayaale Kaahin.


Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaahdo Qun-ujeed oo woqooyi ka xiga magaalada Boorama sannadkii 1952. Wuxuu malcaamadda quraanka, dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay Degmada Boorama.

Dugsiga sare ee Cammuud, ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay sannadkii 1974. Kadib wuxuu u wareegay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo uu ka galay Dugsigii tababarka ee Xalane, halkaas oo uu kaga biiray Ciidankii Nabad sugidda ee NSS Sannadkii 1975.

Daahir Rayaale Kaahin oo derejada Gaashaanle Sare ka gaadhay ciidankii Nabad sugidda ee Dawladdii kacaanka ahayd wuxuu intii u dhexeysay 1975 ilaa 1991 burburkii dawladdii Soomaaliya ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Berbera, Laascaanood, Burco iyo safaaradda Somaaliya ee Jabuuti.

Daahir Rayaale wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirweynihii beelaha reer Somaliland iyo jabhaddii SNM ee dib u heshiisiinta ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay markii danbe 18kii May 1991 goonni isu taagga Somaliland.

1992 wuxuu guddoomiye gobol ka noqday gobolka Awdal, kadib wuxuu muddo ahaa ganacsade.

Shirweynihii Beelaha Somaliland 23-kii February, 1997 kii Magaalada Hargeysa ka dhacay ayaa Madaxweyne loogu doortay mar kale muddo 5 sannadood ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. isla markaa ayaa Daahir Rayaale na loogu doortay Madaxweyne Xigeenka Somaliland.

Waxa uu qabtay xilka madaxtinimo kadib geeridii ku timid madaxwaynihii labaad ee somaliland mudane Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal (AHN), xilligaas oo uu ahaa madaxwayne ku xigeen. Waxa uu ku guulaystay doorashooyinka Madaxtinnimo ee somaliland bishii abriil ee sanadkii 2003dii, isaga oo ka sharraxnaa xisbiga talada hayay ee UDUB (Ururka dimuqraadiga ee Umadaha bahoobay), waxana xilka loo dhaariyay bishii maayo ee 2003dii.

3 -May -2002 Markii Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Koonfurta Afrika ayaa saacado yar kadib loo dhaariyay Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland sida uu dhigaayay dastuurka Somaliland. Wuxuu isna Madaxweyne ku xigeen u soo xushay, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka tirsanaa golaha wakiilada.

Bilo ka dib ayaa Xisbiga UDUB isna uu u doortay Madaxweyne Riyaale in uu noqdo guddoomiyaha Xisbigaas.

Doorashaddii ugu horrayasay ee Madaxtooyada Somaliland axsaabtu ku tartamaan bishii April sannadii 2003 , ayaa Daahir Rayaale Kaahin kaga guuleystay 80 cod oo keli ah musharraxii xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Iyo Xisbigi Dadweynaha ee uu hogaaminayey Mohamed Musa Dahir iyadoo tartankana uu ku jiray Feysal Cali Waraabe oo isna ka sharraxnaa Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Shantii sannadood ee Daahir Rayaale loo doorty Madaxweynaha waxay kaga eekeyd April 2008 laakiin doorashaddii Madaxtooyada oo aan qabsoomin awgeed ayaa dhawr jeer golaha guurtidu u kordhiyeen inuu xilka sii hayo inta doorasho ka dhacayso.


Daahir Rayaale siddeedii sannadood ee uu xilka hayay madaxweynaha waxaa Somaliland ka qabsoomay doorashooyinkii baarlamaanka iyo kuwa golayaasha deegaannada Somaliland. Daahir Rayaale wuxuu leeyahay xaas, Huda Barkhad Aadam, iyo Afar Caruur ah saddex wiil iyo hal gabar. Mudane Daahir Rayaale Kaahin inta aanu xilka qaban waxa uu soo maray Jagooyin badan oo ay ka mid ahaayeen sarkaal ka tirsan wakaaladii sirdoonka Soomaaliya, badhasaabka gobolka awdal, diblumaasi ka tirsan safaaradii soomaaliya ee jabuuti iyo madaxwayne ku xigeenka somaliland. dahir rayaale waa nin dadkiisa iyo dalkiisaba wax u taray waxa uu uhor seeday mudadii uu xilka hayay waxyaabo fara badan oo ay ugu horayso hirgalinta doorashaddii ugu horaysay ee soomaalilan ka dhacda haday tahay tii madaxtinimada iyo tii golaha wakiilada waxa lagu qeexaa inuu yahay nin dagan, dal iyo dad jecel, ahaana mid isku hayay dadkiisa iyo bulshadiisa soomaalilaand.

WAA NIN AAN JECLAYN XUKUNKA

Daahi Rayaale , wuxuu ku sifoobay cadaalad iyo shaqo daacadnimo ah, waxa la isku raacay inaanu ahayn nin xukun jecel, taasina waxaa cadayn iyo marqaati u noqday qodobadan soo socda;

▪︎ Doorashooyinkii uu degdeg u qabtay Dhimashaddii madaxwayne Cigaal ka dib.[1]

  • Doorashaddii Baarlamaanka oo dad badni inuu iska daa kula taliyeen se uu qabtay.
  • Tii Madaxweynaha oo markii lagaga helay si daacadi ku jirito uu ogolaaday inuu hanneeyo, si aanu buuq uga dhalan dalka.
  • Arrimahas aan soo sheegany iyo qaar kale oo badan ayuu ku sifoobay, caddayna u noqday inaanu ahayn nin xil jecle.

Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, intii uu xilka hayey wuxuu xaqiijiyey inuu gaadho xuduudihii Ingiriiska ee Somaliland lahayd, waanu ku guulaystay iyadoo ay la garab galeen beelaha Daarood sida ( reer Darawiish iyo WArsangali). Waxaa u ahaa Aabihii hirgaliyey Dimuquraadiyada Somaliland ku naalooto , Waxa u ahaa Aabaha hanaanka Xisbiyada badan ee ka hirgalay Somaliland.

Taariikhda ayaa xusi doonta Madaxweyne qaran.

Waxa uu ka soo jeeda beesha Reer Dudub Jibriil yoonis ee Makaahiil,Qabiilka Gadabuursi

Madaxweyneyaashii Somaliland :

1. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur 1991-1993
2. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 1993-2002
3. Daahir Rayaale Kaahin  2002-2010
4.Axmed maxamed maxamuud siilaanyo 2010-2017

26 juun 2011 waxa lagudoonsiiyay madaxwaynihii hore ee Somaliland bilad sharaf lagu gudoon siiyay ka danbayntii u kadanbeeyay geedi socodka iyo hirgalinta dimuquraadiyada Somaliland taasina waxa lagu beegay malinta qaranimada 26 juun

  1. Ayaanlehuseen8@gmail.com