Caa'isha
Caisha Kani waa maqaal ku saabsan Ca'isha bint Abi Bakr, ha ku khaldin Magaca Caasha ee dumarka Islaamku la baxaan.
Xaasaska Nebi Muxamed |
Khaddiija bint Khuwaylid |
Caaisha, Caasha, Caisha, Caayisha (ingiriis: Aisha, ‘Ā’ishah bint Abī Bakr, "Caaisha"; carabi: ﻋﺎﺋﺸﺔ, Ayesha, Caayisha, A'isha, Ca'isha, Aishat, Caisha, Aishah, Caishah, ama Aisha, Caisha) loo yaqaano hooyada Mu'miniinta [ﺃﻡ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ] waa mid ka mid ah xaasaskii Nebi Muxamed (n.n.k,h). Ca'isha waxaa dhalay nebiga saaxiibkiis iyo asxaabi Khaliif ar-Raashid Abu Baker al-sadiiq.
Nebi Muxamed wuxuu guursaday Ca'isha ayadoo 9 sano jir wuxuuna ka dhintey ayadoo 17 sano jir ah. Wax ilmo ah uma dhalin nabiga, laakiin waxay kala hadhay xadiisyo iyo cilmi diinta Islaamka oo badan.
Dumarka Rasuulka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaca Xaaska | Wakhtiga uu Qabay | Tirada Caruurta |
---|---|---|
Khaddiija | 595 ilaa 619 C.D | |
Sowda | 619 ilaa 632 C.D | - |
Caisha | 619 ilaa 632 C.D | - |
Xafsa | 624 ilaa 632 C.D | - |
Saynab | 625 ilaa 627 C.D | - |
Hinda | 629 ilaa 632 C.D | - |
Saynab bint Jahsh | 627 ilaa 632 C.D | - |
Juwayriya | 628 ilaa 632 C.D | - |
Safiyya | 629 ilaa 632 C.D | - |
Ramla | 628 ilaa 632 C.D | - |
Maymuna | 630 ilaa 632 C.D | - |
Maryama | 630 ilaa 632 C.D | |
Rayhana | 629 ilaa 632 C.D | - |
Qoyska Nebi Muxamed
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Xaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban (13) kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Rumeeyayaasha” "Umaatul al-Mu'miniin". Waxayna dadka aaminsan ee rumeeysan diinta Islaamka ka mudan yihiin sharaf, qadarin iyo heybad; sababtoo ah Ilaahay (koreeye) ayaa Quraanka ku xusan xaasaska nebiga. Markuu ka hadlayay ooriyada Nebi Muxamed Rabbi (casa wa jala) wuxuu yidhi:
- “Nebigu wuxuu dadka rumeeyay Alle uga dhow yahay naftooda, xaasaskiisuna waxay u yihiin (waa kuwa Alle rumeeyay ee) hooyooyin oo kale.”[1]
Qoyska iyo reerka Nebi Muxamed waxaa la kala raaciyaa kala qeybinta taariikhda Islaamka oo ah:
- Hijrada Ka Hor: wakhtigani waa ka soo biloow dhalashaddii Nebi Muxamed sanadkii 570 C.D ilaa sanadkii 622 ee uu magaalada Madiina u guurey. Wakhtigan Hijrada Ka Hor nebigu wuxuu ku noolaa magaalada Makka. Iyo
- Hijrada Ka Dib: oo ah wakhtigii nebiga iyo asxaabtu u soo kicitimeen isla markaana u soo guureen magaalada Medina, wakhtigaasi oo ka soo bilaabmaya sanadkii 622 C.D ilaa laga soo gaadho goortii nebigu geeriyooday ee sanadkii 632.
Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan, Nebi Muxamed wuxuu guurkani ka helay farxad iyo damaashaad iyo raynrayn ilaa laga soo gaadho geeridii Khaddiijo 25 sano ka dib markeey ahayd oorida nebiga. Si kastaba ha ahaatee, Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.[2]
Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah. Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii iyo la taliyiisa kowaad waa asxaabi Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee nebigu guursaday waa Ca'isha bint Abi Bakr. Caa'isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da'deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca'isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.
Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay). Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith.[3]
Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.
Goortii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey. Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.
Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna uu guursadey.[4]
Qoraalo La Mid Ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Diin
- Islaam
- Qu'raan
- Nabi Aadam C.S.
- Nebi Maxamed
- Nabi Ismaaciil C.S.
- Nabi Ayuub C.S.
- Nabi Muxamed (c.s.w)
- Nabi Daa'uud C.S.
- Nabi Suleymaan C.S.
- Nabi Nuux C.S.
- Nabi Idriis
- Nabi Saalax
- Nabi Shuceyb
- Nabi Yuusuf
- Nabi Muuse C.S.
- Nabi Ilyaas
- Nabi Ibraahiim C.S.
- Nabi Huud
- Nabi Ciise
- Kitaabka quduska
- Masiixiyad
- Luqmaan Alxakiim
- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Islam
Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
- ↑ "Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine"
- ↑ "Qaasim iyo Cabdulaahi, Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima"
- ↑ "Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith"
- ↑ "Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar"