Jump to content

Sagaal xajiile

Ka Wikipedia

Sagaal xajiile magiciisa waa Xaaji Yaxye ibn sheekh Anuun Ibn Sheekh Abuubakar Barakaat bin Sheekh Nuume Ibn Sheekh Idriis Ibn Sheekh C/Qaadir ibn Sheekh Abuu zakariya Yaxye Ibn sheekh Cabdul qaadir al jiilaani waa caalim kamid ahaa Culimada ugu waaweyn Dalka soomaaliya. Waxaa kudhashtay Magaalda Harar qarnigii 8 aad Hijriga. waxaa wax kubartay Isla magaalada Harar . Waxaa kasoo Hijroodeen Magaalada Harar Markii dhacdey Colaadii udhaxeysay Gaaladii Amhaarada iyo soomaalida Waxay kunagaadeen meel udhaxeysa Gobolka Hiiraan Iyo bokool 10 sano . tobankaas sano ayaa Aw sagaal xajiile waxaa kaxajiyey meeshaas sagaal jeer isaga iyo labo qof oo saaxiibadiis ahaa , waxayna ahaayeen : Xaaji maxamed bin xasan bin shariif oo Ah wiil uu dhalay aw Gasaargude , Iyo Xaaji siciid oo Udhashtey Beesha Hawiye. Sidaas daraadeed ayaa loogu bixiyay sagaal xajiile . Kadibna aw sagaal xajiile waxaa Asaasey magaalda Sarmaan .