Jump to content

Qansaxle

Ka Wikipedia

 Somalia

Qansaxle waa degmo ku taalo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Degmada Qansaxle waxay 20 Km dhinaca bari ka xigtaa galdogob. Qansaxle waa magaalo 10 kii sano ee udambeeyey soo koraysay samaynaysayna hormar dhinac walba, waa magaalo dadkeedu aad ugu wanaagsan yihiin soo dhaweynta martida iyo la dhaqanka dadka kale ee dariska la ah.


Magaalada waxaa dhex marta wado weyn oo caan ku ah baabuurta safarka ah ee u kala goosha Gobolada Puntland iyo Gobolada is maamulka Somaalida ee Ethopia, waxaana magaalada ku yaala Maqaaxiyo waa weyn oo ay istaagaan waxna ka cunaan Dadka safarka ah ee Baabuurta lasocota, Ganacsi soo kobcaya oo ku tiirsan dhinaca xoolaha ayaana magaalada ka jira, dhalinyarada magaaladuna waxa ay aad ujecel yihiin Waxbarashada, magaaladu waxay lee dahay Iskuulo Hoose/dhexe iyo kuwa sare balse wali ma yeelan Jaamaca walo lagu talo jiro in dhawaan la hirgaliyo Qansaxle Universtiy,

Degmada Qansaxle waxa dhinaca Qorax soo baxa ka xiga Caasimada Galkacyo oo ujirta 60 km dhinaca qorax udhacana waxaa 20 km ujirta degmada Goldogob, dhinaca galbeedna waxaa ka ga beegan Bursaalax dhinaca waqooyina dhuldaaqsin ah oo xooluhu aad u isticmaalaan, magaalada waxaa udhaw o ay dadku is kaga kala gooshaan magaalada kale ee is Qambuus.


Maxamed xasan daaha