Jump to content

Qaanso

Ka Wikipedia
Ulaha falaadhaha leebka
Qaanso
Sanab muujinaya nin isticmaalaya leeb iyo qaanso.

Qaanso (carabi: قوس taliyaani: arco ingiriis: bow) waa ul xoodan oo xadhig adag ku xidhan yahay.

Leebka dabadiisa ayaa lagu xidhaa xadhiga qaansada ka dib, leebka ayaa gadaal loo jiidaa lana sii daaya ayadoo lala shiishayo bar ama meel.

Marka la tixraaco taariikhda aadamaha, leebka iyo qaansadu waa hub la isticmaali jirey tobanaan qarni ka hor wakhtigii ilbaxnimadu bilaabantey.

Leebka iyo qaansadu waa labo shey oon kala hadhin, sababtoo ah waa la isla isticmaalaa.

Wakhtiyadii hore leebka iyo qaansada waxaa loo isticmaali jirey in lagu ugaadhsado.