Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah
Maqaal xul ah
Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/1
Xarunta Sare Qaramada Midoobay sidoo kale Fadhiga Qaramada Midoobay waa dhisme aad u wayn oo ku yaala caasimada New York wadanka Maraykanka. Badhtamihii Diisambar 1945, ayaa Golaha Guurtida Maraykanka iyo Aqalka Wakiiladu u codeeyeen in Ururuka Qaramada Midoobay laga codsado ineey Xarunta Sare ka dhisato wadanka Maraykanka. Arintaasi way aqbashay Qaramada Midoobay, waxayna deegaan ka salaxatay bariga caasimada New York halkaasi oo ay ku iibsatey lacag dhan US $8.5 milyan oo ahayd lacag deeq ah. Dhismaha oo socday labo sano (1949 ilaa 1950) waxaa la furay Xarunta Sare Qaramada Midoobay Janaayo 9, 1951, inkastoo la dhamaystiray dhismaha bishii Oktoobar 9, 1952. Inkastoo xarunta ugu muhiimsan ku taalo caasimada New York, ururku wuxuu xafiisyo waaweyn ku leeyahay Jeniifa, Heeg, Fiyeena, Nayroobi iyo meelo kale oo badan.Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/2
Minneapolis (
Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/3
Calanka Wadanka Meksiko wuxuu ka samaysan yahay sadex midab oo kala ah cagaar, cadaan, iyo casaan taasi oo badhtanka kaga taalo astaanta ciidanka qaranka.Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/4
Mareykanka (Af-Ingiriis: United States of America, loo soo gaabiyo U.S.A; Gobolada Isku Tegay ee Ameerika; carabi: الولايات المتحدة) waa dawlad Federaal Dastuuri ah dhacdana bartamaha Waqooyiga Ameerika. Waxay ka koobantahay 49 gobol iyo Degmada Kolombia, (D.C. ama "District of Colombia"), oo ah magaalo-madaxda wadanka iyo xarunta dowlada wadanka. Waxaa ka xiga dhanka waqooyi Kanada, koofur Meksiko, iyo Gobolka Alaska oo dhaca Waqooyi Galbeed Qaarada Ameerika. Masaaxada (badka) wadanka Mareekanka waa 9.83 milyan km2, tirada dadkane waa 309 milyan Dawlada Mareykanka n xaga dhulka ama badka wadanka ku fadhiyo, waana dawlada seddexaad ee ugu dad badan aduunka, dad degen dalka mareykanka waxee gaarayaan ilaa 310 miliyan oo qof. Sidoo kale waa wadanka koowaad oo ay ku noolyihiin dad kala dhaqan iyo kala asal ah. Dhaqaalaha Mareykanka waa kan ugu balaaran dunida, ayadoo lagu qiyaasay sanadii 2008 aduun dhan 14.4 tiriliyan oo Dollarka Mareykanka wax soo saarka wadanka ee dabada loo iib geeyo.Wadanka Mareykanka wuxuu xonimadiisa ka helay gumeestihii Boqortooyadii Ingiriiska sanadka marka oo ahaa 1776ii, wakhtigaasi oo Mareykanku ka koobnaa 13gabol oo ku yaalay dhinaca bariga ee dalkaas.
Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/5
Kanada waa wadan ku yaalo Woqooyiga Ameerika waxoona ku fadhiyaa dhul balaaran. Kanada waxee xuduud la leedahay dalka Mareykanka oo goboladiisa badan ka xiga Koonfur iyo gobolka Alaska oo ka xigta Woqooyi Galbeed, dhinaca bariga neh waxaa kaga dhagan badweynta Atlantik.Kanada waa Dawladda labaad ee ugu ween aduunka, ayadoo Dawladda koowaad ay tahay Ruushka. wadanka kanada waxaa markiisa hore degenaan jiray dadka indianka ah oo assalkooda ka imaaday qaarada aasiya iyo dad inuit ah oo u badan griinland. wadanka kanada dadkii ugu horeeyay oo soo booqday waxee ahaayeen dad yurubiyan ah 1000 sano ka hor, gaar ahaan vikingka norwajka, laakiin 600 oo sano kadib ee ajaaniibta badanaa soo wada galeen.Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/6
Barack Xuseen Obama (US
Barack Obama waa nin dhalinyar ah oo aad u xargo badan ahna madaxweyna USA dadiisuna waa 47 jir. Waxa uu ku dhashay gobolka Hawaii bishii Juli 27 teedii, Sanadkii 1961 dii. waxaa iska dhalay Aabe dadka madow ah oo ka yimid wadaka Kenya iyo hooyo dadka cadaanka ah oo ka soo jeeda Gobolka Kansas ee wadanka Maraykanka Isaga iyo Afadiisa Michelle Obama, waxa ay leeyihiin laba gabdhood oo la kala yiraahdo Malia iyo Sasha Aabbihii waxa uu ka tagay isaga oo laba sano jir ah si uu waxbarashadiisa uga sii wato jaamacada Harvard. Kaddibna waxa uu dib ugu laabtay dhulkii uu ka yimid ee Kenya.
Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/7
Jikaago (loogu dhawaaqo
Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/8 Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/8