Murdiso (far)
- Boga "Fardheer" halkan yaa laga soo toosiyay.
Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.
Adeegsiga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Farta murdisada ayaa loo adeegsada walax markii la tilmaamayo, sidoo Kale waxaa loo adeegsidaa hanjabaada ama goodiga, waxaa kaloo loo adeegsadaa sheegida hal walax.. ma tirada kow.
Salaada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaca
[wax ka badal | wax ka badal xogta]magaca ayaa loogu bixiyay maadaama farta lagu tirto cuntada weelka ku dhegan ay tahay, woqooyiga ayaa looga yaqaanaa murdiso oo ka soo jeeda ereyga murdis oo ah tirasho, koonfurtana waxaa looga yaqaan murugsato waa eray ka yimid murugsi oo la macno ah murdis (tirasho)
Faraha Dadka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Faraha Dadka |
Suul • Fardheer • Fardhexo • Farta Faraantigelis • Faryar |
Far (Af Ingiriis : finger; Af Carabi : ar) (wadar ahaan faro), waa xubno ka tirsan gacanta dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sida caadiga ah dadku waxay leeyihiin 20 farood, kuwaasi oo ku kala yaala labada gacmood iyo labada lugood. Gacan kasta iyo lug kasta waxay leeyihiin shan farood oo iskugu jira: Suul, fardheero (murdiso), fardhexo, faraantigalis (farta faadumo), iyo faryaro.
Faraha Gacmaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Suul
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Suul (Af Ingiriis : thumb; Af Carabi : ar) waa xubin ka mid ah faraha shanta ah ee ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Suulku waa farta koowaad ee shanta farood. Sidoo kale, suulku waa farta ugu awooda badan ee ugu dhumucda iyo qarada weyn dhamaan faraha.
Fardheero
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Farta Murdiso (Af Ingiriis : index finger; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano "Fardheer" iyo "Murugsato", waa farta labaad ee ka mid ah shanta farood ee dadka iyo in badan oo xayawaanka ka mid ah. Sidoo kale waa farta u dhexaysa suulka iyo fardhexada.
Fardhexo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Fardhexo (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : middle finger) waa farta sadexaad ee gacanta dadka. Fartani waxay u dhexaysaa murdisada (murugsato) iyo farta faadumo (faraanti galis), sida badan waa farta ugu dheer faraha.
Fartaan iyo suulka markii la isku cadaadiyo ka dibna la sii daayo waxaa ka dhasha dhawaq dheer, oo loo adeegsado soo jeedin ama baraarujinta cid loo dan leeyahay taasi oo loo yaqaano Suuldhabaale (en: snapping).[1]
Faraantigelis
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Farta faraanti galis (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : ring finger) (sidoo kale loo yaqaano farta faadumo) waa farta afaraad u dhexaysa far dheexadka iyo faryareeyda. Waa farta ugu quruxda badan faraha aadanaha saas ayaana keentay in la galiyo faraantiga ama fargashiga.
Faryaro
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Faryaro (Af Carabi : ar; Af Ingiriis : Little finger) sidoo kale loo yaqaano Faryareey, waa farta shanaad ee faraha ku yaala gacmaha iyo lugaha dadka; waxayna ku xigtaa farta faraanti galis. Intaas waxaa dheer, in fartani tahay tan ugu yar faraha ugu wax qabadka yar.
Sidoo kale fiiri
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Suul
- Murdiso (murugsato)
- far dhexo
- faraanti galis (faadumo)
- faryaro (faryareey)