Geledi
Taariikhdii Reer Cumar Diini (Galadi) Iyo Faraciisii Taariikhda Reer Cumar Diini waxaan ka soo sheegnay iney ahaayeen dad ka yimid Shaam oo u soo haajiray iney diinta fidiyaan, waxay yimaadeen dalka Itoobiya magaalada Hararge (Harar), ka dibna waxaa meesha ku soo weeraray dowladdii waagaas ugu xoogga weyneyd taasoo aheyd dowladda Bortuqiiska, ka dib Reer Cumar Diini (Galadi) ay soo galeen dhulka Soomaaliya, markey Harar yimaayeen waxa ay aheyd sanadkii 650kii ee hijriyadda.
Imaatankoodii dhulka Soomaaliyana waxa ay soo gaareen ilaa dhulka u dhaxeeya labada webi oo ay meeshaas ugu imaadeen odeygii Aw-Digil. markey imaadeen imaam Cumar Diini iyo kooxdiisii waxaa si fiican u soo dhoweeyey ugaaskii Reer Digil waa odeygii Aw-Digil.
Odeyga Aw-Digil waxa uu dhalay gabar, Cumar Diini waxa uu ugaaska Reer Digil ee Aw-Digil weyddiistey inuu gabadhiisa siiyo, odey Aw-Digil ma u diidin gabadhii mana siin ee waxa uu marka horta u sheegay in ay gabadhiisu hal cilad ah leedahay, ciladdaasoo ah in ruuxii gabadha la siiyaba isla markii hor ka geeriyooda, sidaas marka loo sheegay ayaa Imaam Cumar Diini waxa uu ku jawaabay sidaas baan ku rabaa ee ha la i siiyo, odeygii Aw-Digil waxa uu yiri sidaas miyaad ku ogoshahay? Imaam Cumar Diini-na waxa uu ku jawaabay haa ee ha la ii dhiso gabadha, markiiba waa lagu mehriyey, inta aan loo guri geyn ayuu Imaamkii Cumar Diini duceystay, markii loo guri geeyeyna inta uusan gabadhii la kulmin ama uusan u tegin ayuu Qur’aan ku dul akhriyey kana duceystay, wuxuuna imaamku yiri “Fiihaa naarunaa wamafriqa, fiihaa duxni “ markii loo beddeley ereyadaan afkoodii hooyo waa Reer Cumar Diiniye waxa ay ereyadii noqdeen Qarsin iyo Dab.
Imaam Cumar Diini gabadhii la siiyey waxaa la dhihi jiray Caasha Bintu Caleema Maxamed Digil, waa Digil gabadhiisa, waxeyna Imaam Cumar Diini u dhashay laba wiil, waxaana loo kala bixiyey labadaas wiil labadii erey oo uu imaamku ku duceystay ee ahaa (A) Qarsin iyo (B) Dab, waxaana taa amray imaamka oo uu yiri ha loogu kala yeero wiilasheyda Qarsin iyo Dab.
Hadana waxaan wax ka sheegeynaa sidey u tarmeen wiilashii uu dhaley Imaam Cumar Diini (Galadi) iyo Caasho Bintu Caleema Maxamed Digil.
Wiilka la oran jiray
(A) Qarsin Cumar Diini ayaa ugu taran yaraa, waxa uuna dhalay shan caruur, kuwaasoo la kala oran jiray:
1} Gasaar Gude 2} Gaal Wagar 3} Sarmaang 4} Waaq Dhoore 5} Waaq Biyo
Dhamaantoodna tarankoodii oo dhan waxa ay ku kala nool yihiin gobolada Bay, Bakool iyo Gedo. Wiilka la oran jiray:
(B) Dab tarankiisii aad ayey u tarmeen wuxuu asaga dhalay seddex wiil, mid ka mid ah wiilashaas ayaa tarankiisii sii batay, labada kalena ilaa iyo hada wey taagan yihiin oo waa caan, waxeyna kala yihiin sidan:
1} Hadame (Qof walbaa yaqaan) 2} Luwaay (Qof walbaa yaqaan) 3} Subuge
Ninka la yiraahdo Subuge waxaa uu sii dhaley seddex wiil oo kala ah
1} Warantabli 2} Guriile 3} Yaraaw
(A) Warantable waxa uu dhalay hal wiil kaasoo magiciisa la yiraahdo
1} Ceel qode
(B) Guriile asagana waxa uu dhalay seddex wiil kuwaas oo la kala yiraahdo
1} Gobyaan 2} Gaalabaxe 3} Leysaan (Qof walbaa yaqaan)
dhamaan sedexdan wiil uu dhalay Guriile faracoodii waxa ay ku kala nool yihiin oo ay degan yihiin Muqdisho, Afgooye, Daafeed, Baydhabo iyo agagaarkeeda.
(C) Yaroow waxa loo yaqaan (Goobta u roon) oo hada loo yaqaan Goobroon, Goobroona waxa uu dhalay Shanta Aw-adeer, Shanta Aw-adeer dhamaantoodna waxa ay deggen yihiin degmada Afgooye, Buur Eeyle, Baydhabo, Tiyeeklow, Muqdisho.
Guriile iyo Yaroow (Goobroon) faracoodii halkaas ayuu ku xirmay, mana ay cirib tirmin oo sidooda ayey ku joogaan laguna yaqaanaa.
Waxaa sii tarmay Ceel qode, Warantabli, Subuge, Dab, Cumar Diini oo uu dhalay sedex wiil oo la kala yiraahdo.
1} Jilible Ceel qode ( Qof walbaa yaqaan ) 2} Geelidle Ceel qode ( Qof walbaa yaqaan ) 3} Imaam Ceel qode
(A) Jilible Ceel qode waxa uu dhalay toddoba caruur ah mid ay gabar tahay, waxaana lakala yiraahdaa:
1} Xanddab Jilible 2} Dhiin Jilible 3} Ilkoole Jilible 4} Xasan Jilible 5} Barbaar Jilible 6} Baadilis Jilible 7} Khadiijo Jilible
Hadase todobadan waxey ku soo urureen oo ay noqdeen laba qeyb oo hada loo yaqaan:
(1) Geydhi (2) Afar Gammaas
Hadase waxaa la yiraahdaa Jilible waa labadan qeybood.
Dhamaan caruurta Jilible waxa ay kala degan yihiin Mugdisho, Afgooye, Marka, Shalanbood, Buurhakaba, Baydhabo iyo Tiyeeglow.
(B) Geelidle Ceelqode waxa uu dhalay laba wiil oo la kala yiraahdo:
1} Hibilow Geelidle 2} Wardheer Geelidle Labadan wiil ee uu dhalay Geelidle faracoodii waxa ay kala degan yihiin agagaarka Baydhabo, Qasidheeri, Bokool, iyo Jubada Dhexe.
(C) Imaam Ceel qode waxa uu isna dhalay afarta Cumar Faqi oo la kala yiraahdo:
1} Abiikar Cumar 2} Maxamed Cumar 3} Reer Xaaji Cumar 4} Abroone Hiraab Cumar
dhamaantoodna waxa ay kala degan yihiin degmada Afgooye iyo agagaarkeeda.
(A) Xandab, Jilible, Ceel qode, Warantable, Subuge, Dab, Cumar Diini, waxa uu dhalay afar wiil oo lakala yiraahdo 1} Maxamed Xaaji Yuusuf Xandab 2} Cali Xaaji Yuusuf Xandab 3} Maxamuud Xaaji Yuusuf Xandab 4} Caalin Xaaji Yuusuf Xandab
(A) Maxamed Xaaji Yuusuf Xanddab faraciisa dhamaantood waxa ay degan yihiin degmada Afgooye iyo agagaarkeeda.
(B) Cali Xaaji Yuusuf Xanddab, Maxamed Xaaji yuusuf Xanddab iyo Caalin Xaaji Yuusuf Xanddab, ayagana faracoodu dhamaan waxa ay degan yihiin degmada Buur hakaba.
N.B:- Dhamaan magacyada ku hor qoran xarfaha sida: A.B.C waxa ay ka dhigan yihiin aabayaasha, kuwa ku hor qorana tirada sida: 1,2,3 waxa ay ka dhigan yihiin ama u taagan yihiin caruurta isla markaana ay yihiin walaalo.
Sida aad la wada socotaan ama aan soo sheegayba Reer Cumar Diini owowgooda waxa uu ku duugan yahay gobolka Hararge dalka Itoobiya.
Magaalada Harar waxa ay leedahayna shan albaab, Imaam Cumar Diini waxa uu ku duugan yahay shanta albaab mid ka mid ah oo la yiraahdo Baabul Xaakim.
Qoraaladan iyo taariikhda Reer Cumar Diini waxaa aslkeeda diyaariyey Culimada Reer Digil, iyo weliba waxa kaloo ay diyaariyeen Reer Digil sida ay u wada dhasheen.
Sida hada la yiraahdo DigilMirifle waa dad isu tagay oo aan meel ka soo wada jeedin, abtirsiimadooduna ay gasho qabaa’ilada Daarood, Hawiye iyo Isaaq, ee dadka fikradda noocan qaba waxaan leeyahay barta taariikhda saxa ah ee qowmiyadda DigilMirifle.
Sida ay u wada dhasheen dadka ku abtirsada Cumar Diini (Cumar Galadi) Khuduub, F.Cumar, F.Shamsi, F.Maxamed, F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.
weliba sida ay silsiladooda abtirka ay tahay:
1} Hadame 2} Luwaay 3} Gasaar Gude
Dab Dab Dab Cumar Diini ( Galadi ) Cumar Diini (Galadi) Cumar Diini (Galadi )
4} Yarow (Goobroon) 5} Leysaan
Subuge Guriile Dab Subuge Cumar Diini (Galadi) Dab Cumar Diini (Galadi) 6} Jilible 7} Geelidle Ceel qode Ceel qode Warantable Warantable Subuge Subuge Dab Dab Cumar Diini (Galadi) Cumar Diini (Galadi)
Hadame iyo Luwaay waa laba qof oo isku aabo ah, aabahoodna waa Dab, Gasaargudena waa ina adeerkood waxaana dhalay Qarsan.
Yaroow (Goobroon) asagana waxaa adeer u ah Hadame iyo Luwaay waxaana dhalay walaalkooda oo la yiraahdo Subuge. Leysaan waxaa adeer u ah Yaarow (Goobroon) waayo waxaa dhalay walaalkiis oo la yiraahdo Guriile. Jilible iyo Geelidle waa labo walaalo ah waxaana aabahooda la yiraahdaa Ceel qode, aabahood Ceel qode-na waxaa adeer u ah Yarow (Goobroon).
Leysaan iyo Ceel qodena waa ilmo adeer. Todobadaan Reer Cumar Diini sidaas ayey isu dhaleen, isulana dhasheen. Caruurtii Reer Cumar Diini dhamaantood sida ay u tarmeen ayaan si sawir ahaan ama geedka faraca (Family tree) ku muujin doonaa, si qof walba uu u fahmo sida ay tahay silsiladda faraca ee Reer Cumar Diini.
Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la helo qof dhameystiri kara, kuwa aan faracooda la muujinin anagoo aan heynin taxanahooda kuwaasna waxaa ka mid ah, sida caruurta Qarsin ama caruurta Yarow (Goobroon), waxaana aad iyo aad loogu baahan yahay in la raadiyo meesha ay faracyadan ku dambeeyaan.
Isku taxlujin la’aantan ayaa ah tan looga tagay qowmiyaddan DigilMirifle, ka tegistaas waxaa ka sii daranba ayagoo tashwiishna looga sii furay abtirsiimadooda.
Waxaana loo baahan yahay dad qoraal ahaan u fidiya si ay u ogaadaan cadowgooda in aan waxba ka jirin waxa ay qorayaan, waa uun kutura kuteen. Sida la wada og yahayna aqoon yahano kuma yara qowmiyaddan DigilMirifle, laakiin waxaa yar waxqabadkii loo baahnaa.
Waxaan hadana guda galeynaa silsiladdii Reer Cumar Diini, Khuduub, F.Cumar, F.Shamsi, F.Maxamed, F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.
Aniga intaan ayaan soo ururiyey, anigoo ka soo ururiyey odeyaal DigilMirifle ah, qof walbana intaan in la’eg ama ka badan waa uu sameyn karaa waa hadii uu isku dayo iskuna taxlujiyo.
Waana tan silsiladdii Reer Cumar Diini, Caruurta Reer Cumar Diini sidey u tarmeen oo naqshad ahaan ama ayadoo geedka familka (Family tree) ku muujisan waa sidan aad hoos ku aragtid. Cumar Diini naaneystiisu waxa ay aheyd Cumar Galadle (Galadi), caruurta hooyadoodna waxa ay aheyd gabadhii Aw-Digil, taasoo la oran jiray Caasha Bintu Caleema Maxamed Digil.
(shantan waxaa la isku yiraahdaa shanta Aw-Adeer)
Galadi) waxa uu hada ka mid yahay kuwa ugu caansan qowmiyadda DigilMirifle.
Hadana waxaan u guda galeynaa faraca ama abtirsiimada Aw-Digil. Waxaana soo gaarsiin doonaa ilaa tarankooda hadda jooga, anagoo weliba muujin doono sidey isu dhaleen iyo weliba sidey u wada dhasheen.
6.3 Taariikhda umadda ku abtirsata DigilMirifle:
Hadaan ka soo bilowno labada wiil ee walaalaha ahaa ee la kala oran jiray Ciise iyo Cusmaan, labadan wiil waxaa dhalay Axmed oo loogu naaneysi jiray Hiil, kaas oo ahaa ina F.Yoonis, F.Yusuf, F.Muxamed, F. Cumar, F.Yacquub, F.Yaxye, F.Ciise, F. Muuse, F. Zakariye, Yatiim, Jamalu-diin, Maxamed, Cabdullahi, Maxamed, Abubakar Al-Siddiiq.
Ciise; Caruurtiisu lama xusin waxaa keliya oo laga xusay Cumar, sidoo kale caruurta Cumar-na laguma wada xusin qoraaladan, keliya waxaa caruurtiisa laga xusay Daysan. marka faraca Daysan ma naqaan oo aan ka aheyn wiilkiisa Digil.
Aw-Digil caruurtiisa waxey ahaayeen todoba, sida taariikhda ay ku xusan tahay, caruurtii Aw-Digil waxaa la kala yiraahdaa:-
1} Sheekh Maxamed Digil 2} Maatey (Dabare, Iroole) Digil 3} Cali (Jiiddo) Digil 4} Cumar (Garre) Digil 5} Ciise (Tuni) Digil 6} Cusmaan Digil (Faraciisa waxey ku kala biireen Hariin iyo Dabare, inta kalana waxey deggen yihiin Iimeey ee dalkaas Itoobiya) 7} Dagiin Digil (Faraciisa sidey uwada dhan yihiin waxey degen yihiin magaalada Iimeey ee dalkaas Itoobiya)
Caruurta Aw-Digil sidooda ayey yihiin oo aan ula jeedo tarankooda ma sii fidin, keliya waxaa tarankiisu fiday Sheekh Maxamed, kaas oo noqday midka tarankiisu aad iyo aad u batay.
waxaan hadana guda galeynaa tarankiisa.
Sheekh Maxamed Digil:
Sheekh Maxamed Digil waxa uu dhalay wiil la yiraahdo Talmadar, Talmadar-na waxa uu dhalay Kalmuge, Kalmuge-na waxa uu dhalay Sifir, Sifir-na waxa uu dhalay Reewing(Raxweyn),
Lasoco QEYBTA 9,aad
Codka Digil iyo Mirifle