Faadumiina
Faadumiina | |
---|---|
Magaca dhalashada | Faadumiina Sheekh Hilowle |
Dhashay | Oktoobar 10, 1974 |
Occupations |
|
Faadumiina Sheekh Hilowle[1] (dhashay 10 October 1974)[2] waa heesaa, qoob ka ciyaar, majaajiliiste, iyo muuqaal soo saare.
Nolol
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Faadumiina Sheekh Hilowle waxa ay dhalatay 10 ama 11 Oktoobar 1974, waxa ay ku dhalatay magaalada xamar balse nasiib wanaag Soomaaliya waxaa ugu wacan in ku dhawaad dhamaan fanaaniinta Soomaaliyeed ay halkaasi ku dhasheen. Hadda waxay ku nooshahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Faadumiina waxa ay fankeeda ka bilowday Tiyaatarka Xamar ayada oo markaa ka mid ahayd kooxda cayaaraha dhaqanka, waxa ay heesaha ka bilowday wadanka UAE oo ay ku madadaalin jirtay xafladaha Soomaalida ku nool dalkaas. Guusha Faaadumiina waxaa sabab u ahaa Kooxda Dur-Dur Band International oo ay heesaaga kowaad u noqotay kooxdaas iyo heesteedii "Ciyaaal Xamar" 2013-kii.[3] Waxay tan iyo markaas soo saartay heeso kale oo guuleystay taasoo ka dhigtay mid ka mid ah fanaaniinta sida weyn looga yaqaano Soomaaliya. Faadumiina ayaa sanadkii 2021-kii waxa ay la samaysay hees ay ugu magacdartay "Wadani" fanaanka Jeazy Boy intii ay ku sugnayd magaalada Muqdisho si ay uga qayb qaadato showgii Farxiya Fiska ee magaalada,[4] waa hees loo qoray somalia iyo dhaqankeeda.[5]
Majaajilo
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Faadumiina sidoo kale waa majaajillo. Waxa ay u shaqaynaysay Universal TV in ay ka soo muuqato barnaamij majaajillo ah oo ka baxa tv-ga, waxa ay sidaas ku caanbaxday hawl-wadeenkeedii majaajilada ahaa ee Faarax Murtiile. Faadumiina waxay leedahay channel YouTube ah oo ay ku soo geliso aflaan gaagaaban oo majaajillo ah oo ay inta badan soo saarto iyo qorto.[6]