Kabriid
Appearance
(Waxaa laga soo toosiyay Taraq)
.
Kabriid sidoo kale loo yaqaan Taraq (Af Ingiriis : Matches; Af Carabi : ar) waa aalad loo isticmaalo in lagu shido dab. Taraqa wakhtigan casriga ah waa firi yar oo alwaax ah iyo warqad laga shido. Hal dhinac oo firida taraqa ah ayaa leh kimiko marka lagu xoqo warqada kuleyl noqota ka dibna dab biloowda.
Kabriidka madaxiisa sare wuxuu ka sameeysan yahay isku dhis kimikooyin ooy ka mid tahay Salfar taas oo lagu xoqo warqada taraqa.
Taariikhda Kabriidka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Sida taariikh-yahanadu sheegeen kabriidka - asagoo ka duwan midka aan maanta naqaano - waxaa lagu isticmaali jirey wadanka Shiinaha sanadku markuu ahaa 577, taas oo taraqa ka dhigeeysa mid la yaqaano in ka badan 1500 oo sano.