Axmed Digfeer
Taariikhda fanaankii Digfeer Ilaahay ha u naxariisto qalbigiisana ha u waasiciyo Yaasiin Axmed Goox Digfeer.
Axmed yasiin Goox Digfeer wuxuu ku dhashay gobolka Qorraxay ee dhulka SoomaaliGalbeed dabayqaadii dagaalkii labaad ee Adduunka, xili qiyaastii ku beegan sanadihii 1947 ilaa 1950kii qarnigiii Labaatanaad. Burburkii Soomaaliya kaddib, Digfeer waxa uu inta badan ku noolaa magaalooyinka Jigjiga iyo Jabuuti. Wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa sanadkii 2002-dii. Alle ha u naxariisto. Abwaanku beel ahaan wuxuu kasoo jeede beesha reer horogle
wuxuu ahaa markii koowaad Yaasiin Axmed Digfeer uu ka soo muuqdo riwaayaddii' Ugub Jacayl Iyo Af Kala Qaad' ee uu alifay nin caan ku ahaa magaca Ina Baaruud. Waxay soo gaadhay Yaasiin Digfeer, waxa uu qaaday heestii' Kaalay Kaalay Kol li Imo, dadkii goobta joogay oo ka badnaa 300 oo qof way diideen in Digfeer Kabanka wareejiyo , sidii ayaanu saddex heesood oo kale ku qaaday. Waxyaabaha gaarka u ahaa Yaasiin Digfeer waxa ka mid ahaa in uu kaalinta koowaad kaga jiray Billadda Tumista Heesaha Fudud ( Saambo / Jaas) waxaana la sheegaa inaanu jirin qof sidiisa u tumay inta la ogyahay Fanka Soomaaliyeed.
Heeesihi Ahmed yaasiin Digfeer
Waxa ka mid ahaa kuwan hoota ku qoran.
Dayaxa iyo cadceeda
Bidhaantaada inanyahay
Guyaal badan
Nin Ku Gaya
Ayaankagu Daranaa
Nimcooy
Dhulka
Ina Cabday
Labaleey
Gacalo
Canab
Qarni Geeriyoda
kuwa ugu danbeeyay
Jeeb maran
Sagal
Taariikhda Garab
Haygu nicin hanti laaan
Isku Aayni
Sacab Beena Bidhaan
Hooto
Saxiibku waa beer
Beyo Cashqeeygii
Qarni Geeriyoda
Jaceelkeenii shaafoow
Boqorqdii Hablah
Nabsi Masikow
Saaxib
Waan ka Xaumahay
Gar baan kuu dhiganayaa
Barigii horeetaba.
Bilawgii sanadkii 1970 - kii, Soomaaliya waxaa ka bilawday Kacdoon Faneed, waxaa aasaasantay Kooxdii Hobolada ee Waaberi ka dibna , sanadkii 1973 waxa la saasay kooxaha Onkod iyo Horseed oo kala hoostagi jiray Milatariga iyo Asluubta Soomaaliyeed. Axmed lidow Abtiile ( Axmed Nuur Jaangoo ) oo xiliyadaasi ka mid ah Fanaaniinta